Skip to content
Victorian Government Website (Victoria, the Place to Be)
Department of Human Services, Victoria, Australia
Disability Services

Information in Community Languages - Somali

Macluumaad ku Qoran Luqadaha Bulshada

Dowladda Victoria waxay doonaysaa in Victoria noqoto meel ay dadku dareemaan inay ayagu iska leeyihiin, ayadoo aan ku xirnayn dhaqanka, awoodda, da’da ama jinsiga (lab & dheddig). Ayadoo ka mid ah aragtida Qorshaha Victorian State Disability Plan 2002–2012, Adeegyada Iimaha waxay bixiyaan taageero iyo adeegyo ku habboon qof kasta.

Taageerooyinka waxay ka caawin karaan:

  • Ku noolaanshaha gurigaaga
  • Ka mid ahaanshaha bulshadaada
  • Qoysaska iyo daryeeleyaasha.

Taageerooyinka waxaa ka mid ah:

  • Taageerooyinka bulshada sida adeegyada ay bixiso degmada degaankaaga, Xarrunta community health centre ama kuwa neighbourhood house
  • Taageerooyinka iimaha gaarka ah
  • Hoyga.

Adeegga Disability Intake and Response Service wuxuu siiyaa macluumaad ku saabsan taageerooyinka iyo adeegyada dadka ay hayaan iimahu, qoysaskooda iyo daryeelayaashoodaba. Adeegga Intake and Response Service wuxuu kaloo caawimaad xagga qorshaynta iyo taageerada ah ku siiyaa degaankooda dadka ay hayaan iimahu, qoysaskooda iyo daryeelayaashooda.

Haddii aad u baahan tahay inaad qof kale kala hadasho wixii taageerooyin iyo adeegyo ah oo laga heli karo degaankaaga, kala xirriir adeegaaga Gobolka ee Regional Disability Intake and Response Service.

Ma u baahan tahay turjumaan?

Fadlan ka wac Translating and Interpreting Service taleefoonka 13 14 50 waxaadna waydiisaa xirriiriyaha inuu kugu xiro lamabarka taleefoonka ku habboon adeegga gobolka ee Disability Intake and Response Service.

Buuggag-Warbixineedka macluumaadka

Waxaad kaloo ka soo degsan kartaa Adeegyada Iimaha Buug-warbixineedka Macluumaadka Guud oo Somali ku qoran.

Haddii aad doonaysid qaab kale ee buuggag-warbixineedka, ama ay dhibaato kaa haysato soo degsadka attachments-ka, email kula xirriir Adeegyada Iimaha disability.services@dhs.vic.gov.au.

Macluumdka la xirriira